Somali News

DHAGEYSO:-Maamulka G/Sh/Hoose oo Sheegay in askar ay ku dhinteen qarax ka dhacay Afgooye.

Afgooye-KNN-Faah faahin dheeraad ah ayaa waxaa ay ka soo baxayaan  qarax Ismiidaamo oo la eegtay ciidamo ka tirsan militiriga Soomaaliya oo marayay duleedka  degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose, kaasi oo khasaare geystay.

Cabdi fitaax Xaaji Cabdulle Guddoomiye ku xigeenka dhinaca Maaliyada ee Maamulka gobolka shabeelaha hoose  oo wareysi siiyay idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in 5 askari ay ku dhinteen,5 kalana ay ku dhaawacmeen qaraxa lala beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa xoogga oo saanad ciidan u waday ciidamo ku sugan degaanka Bali-doogle ee gobalka Shabeelaha hoose.

Sidoo kale gudoomiyaha  Waxaa uu Xusayay in dhibaato  amni xumo ay   ka jirta degaanada ka tirsan gobalka shabeelaha hoose,isagoona sheegay in arimahaasi wax badan laga qaban doono.

Gudoomiye Cabdi Fatax ayaa hadalkiisa waxaa uu intaasi ku daray in hada ay wadaan baaritaano ku aadan sida uu dhacay qaraxaas iyo sababta ka dambeysay, isagoona KNN u sheegay in saacadaha soo aadan ay xog intaasi ka dheer ay la wadaagi doonaan warbaahinta.

Qaraxa lala eegtay ciidamada xooga ayaa waxaa masuuliyadiisa Sheegtay dagaalamayaasha Al-Shabaab,iyagoona sheegay in qaraxa ay ku  dileen askar badan oo ka tirsan militiriga Soomaaliya.

Halkan ka dhageyso Wareysiga gudoomiyaha