Uncategorized

Maamulka G.Sh.Hoose oo Sheegay in kooxo burcad ah ay dhibaato ku hayaan Dadka Rayidka ah.

Sh.Hoose-KNN-Gudoomiye ku xigeenka Maamulka  Gobalka Shabeelaha hoose cabdi fatax xaaji cabdulle oo la hadlay idaacadda kulmiye ayaa waxaa uu sheegay in kooxo burcad ah ay ku soo bateen maamalmihii la soo dhaafay deegaano ka tirsan Gobalka Shabeelaha hoose.

Cabdi Fatax ayaa waxaa uu Shaaca ka qaaday in kooxahan ay dhibaatooyin badan ay ku geystaan Gaadiidka u safra inta u dhexeysa Degmooyinka Walaweyn iyo degmada afgooye oo kawada Tirsan Gobalka Shabeelaha.

Gudoomiyuhu waxaa uu Sheegay in kooxdan burcad ah ay bilaabeen inay kufsi,jir dil iyo lacag baad ah ay ka qaadaan gaadiidka u safray deegaanada gobalka,tasina uu sheegay in marnabada aysan maamulka u dulqaadan doonaan,isagoona hadalkiisa intaasi ku daray Tilaabo cad ah laga qaadi doono.

Sidoo kale Gudoomiye ku xigeenka  ayaa waxaa uu Xusay in 10 qof  ay yihiin kooxahan dhibaatada geysanaya,balse loo baahan yahay in gacanta lagu soo dhigay,Waxaa uuna Sheegay in dhawaan ciidamada Amaanka Gobalka Ay gacan bir ah ku qaban doonaan kooxahaasi maleeshiyaadka ah ee dhibaateeya Dadka Rayidka ah.

Deegaanada ka Tirsan Gobalka Shabeelaha hoose ayaa inta badan waxaa ka dhaca dilal iyo dhibaatooyin kale oo ay geystaan maleeshiyaad aan Heebtooda la aqoon,iyadoona Maamulka Gobalka uu marar badan ku cel-celiyay in Arimaasi wax badan laga qaban Doono.