Uncategorized

Maamulka G/Banaadir oo dib u furay Taaladii Axmed Gurey oo ku taala Magaalada Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Taabit Cabdi Maxamed Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho  ayaa dib furay Taalada Axmed Gurey oo ku taalla bartamaha magaalada Muqdisho, gaar ahaan isgoyska KM4.

Taabit oo halkaasi warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay in ay wax weyn ka tareyso Taaladan Nabadda iyo bilicda caasimadda, shacabkana looga baahan yahay in ay ka qeyb qaataan dib u dhiska dalka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Taabit Cabdi Maxamed ayaa sheegay inay wadaan qorshe ballaaran oo lagu soo celinayo, laguna dayactirayo taallooyinkii taariikhiga ahaa iyo goobihii nasashada ee ay magaaladu lahayd.

Shacabka Magaalada Muqdisho ayaa soo dhaweeyay dib u dayactirka Taaladaan oo ah mid muhiim u ah Bilacda Magaalada Waxaana durba bilaawday in shirkadaha iyo Goobaha Ganacsiga ay ku dhagsadaan Boorar-ka Xayeeysiinta.

Maamulka Gobalka Banaadir ayaa lacag kiro ah ka qaada Shirkadaha Boorarka ku dhagsaday Taalada iyo Sidoo kale wadooyinka Magaalada Muqdisho.