Uncategorized

Maamulka G/Banaadir oo sheegay in dhawaan ay shaacin doonaan sida loo qaadanayo 1,000 Dhalinyaro ee la shaqaaleysiinayo.

Muqdisho-KNN-Taabid Cabdi Maxamed Guddoomiyaha Maamulka gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa sheegay in ay qaban doonaan Barnaamij lagu faah faahinayo Kunka Dhalinyaro ee maamulka gobolka Banaadir uu shaqaaleysiinayo dhawaan kadib amar ka soo baxay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya.

Wuxuu sheegay Duqa Muqdisho Barnaamijkan in uu yahay mid shaqo abuur loogu sameynayo Dhalinyarada Soomaaliyeed, mushaarkiisana uu bixinayo Bankiga Aduunka, mudo lix biloodna uu soconayo.

Sidoo kale Guddoomiye Taabit ayaa sheegay Barnaamijkan in uu noqonayo mid xalaal ah oo aysan jiri doonin garab iyo in qof walba uu soo wato xigtadiisa.

“Barnaamijkan waa Barnaamij shaqo abuur loogu sameynayo Dhalinyarada Soomaaliyeed, mushaarkiisa waxaa bixinaya Bankiga Aduunka, mudo lix bil ah ayuuna soconayaa, dhawaan waxaan qaban doonaa Barnaamij aaan ku faah faahineyno Kun dhalinyaro ee la shaqaaleysiinayo, si siman ayaana loo qeybinayaa”. Ayuu yiri gudoomiye Taabit.

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in xukumadiisa ay sameyn doonto wax walba shaqo abuur loogu sameyn karo dhalinayrada Soomaaliyeed oo ay daashatay shaqa la’aanta si ay ugu baaqsadaan Tahriibka iyo ka qeyb qaadashada falalka amni darada.