Uncategorized

Maamulka gobalka Banaadir oo faah faahin ka bixiyay qarax ka dhacay deyniile.

Muqdisho-KNN-Afayeenka maamulka gobalka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane oo la hadlay Idaacadda kulmiye ayaa faah faahin ka bixiyay qarax ka dhacay degmada deyniile gobalka Banaadir.

Afayeenka ayaa sheegay in ay ugu yaraan 2 qof ay ku dhintayn tira kalane ay ku dhaawacmayn Qaraxa ka dhacay Xaafadda Odweyne, qof ka mid ah waa shacab dadka dhintay, halka kan kalane uu yahay Askari ka tirsan Ciidamada amaanka sidoo kale waxa uu ahaa Guddoomiye Laameed ka tirsan maamulka Deyniile.

Qaraxa ayaa ahaa Miinada Nuuca dhulka la geliyo waxayna haleeshay Gaari uu watay Guddoomiye Laameedka.

Sidoo kale qarax Miino ayaa ka dhacay wadada Warshadaha ee magaalada Muqdisho gaar ahaan agagaarka warshadda Biyaha Caafi, Lama soo sheegin Khasaare ka dhashay Qaraxa ka dhacay Warshadda Biyaha Caafi.