Somali News

Maamulka Gobalka Banaadir oo sheegay in isbadal amni laga dareemay Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa sharaxaad ka bixiyay isbedelada dhinaca amniga oo todobaadyadii la soo dhaafay laga dareemayay  Magalada Caadimadda ah ee Muqdisho.

Mar uu lahadlayay laanta afka soomaaliga ah ee BBC-da ayaa Waxaa uu sheegay Tuulax in Ciidamada Booliska ee dhawaan laga howlgeliyay Magalada Muqdisho ay wax badan ka bedeleen dhanka Amniga,islamarkaana waxaa uu sheegay in laga hortagay kooxihii dhaca ka geysan jiray magaalada Caasimada ee Muqdisho.

Shacabka ku nool degmooyinka Gobalka Banaadir ayaa waxaa ay ka cabanayeen koox dhac ka geysan jirtay Xaafada magaalada Muqdisho.