Baydhabo-KNN-WariyahaIdaacadda Kulmiye ee gobalka Bay ayaa soo sheegaya in maanta ay digniin soosaareyn maamulka gobalka Bay ee koofur Galbeed Soomaaliya kaas oo quseeyaBanaanbaxyada magaalada Baydhabo ka dhacaya.
Maamulka ayaa kawar bixiyay falkii shalay dad lagu dilay kuwa kalane lagu dhaawacay ee magaalad Baydhaba kadib markii ay dadweyne dhigeen Banaanbax lagu taageerayo mooshinka ay ka dhigayn Baydhabo, dadkii banaanbaxa dhigayay ayaa la rasaaseeyay taas oo dhimasho iyo dhaawac sababtay.
Wixii maanta ka dambeeya ayaa la sheegay inaan Baydhabo lagu qaban Karin fasax la’aan waxaana shacabka looga digay iney ku dhiiradaan Banaanbax kale si looga fogaado dhibaato dambe oo ka dhacday Baydhaba iyo gobalka Bay.