Somali News

Maamulka Gobalka Gedo oo eedeyn u jeediyay Al-Shabaab

Muqdisho-KNN-Sheeq Maxamed Xuseen Al-qaadi oo ah guddoomiye ku xigeenka gobolka Ged oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa waxaa uu eed u jeediyay dagaalamayaasha Al-Shabaab eek u sugan gobalkaasi.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa waxaa uu sheegay in Al-Shabaab ay haweenka uurka leh iyo ilmaha ay ka qaadaan canshuur, taasina waxaa uu tilmaamay in ay dhibaato ku tahay bulshada ku dhaqan gobalka Gedo.

Sidoo kale Guddoomiye ku xigeenka ayaa shaaca ka qaaday in Al-Shabaab  xilligan ay wajahayaan cadaadis badan oo kaga imaanaya ciidamada xoogga dalka.

Ma jiraan ilo ka madax banaan oo xaqiijinaya Warka soo baxay maamulka Gobalka Gedo, kaasi oo ku aadan in Al-Shabaab ay haweenka uurka leh iyo Ilmaha cashuuraan.

Halkan ka dhageyso Wareysiga.