Muqdisho-KNN-Kadib markii maanta Ciidamo ka tirsan DFS ay xoog ku galeen Garaasha ku yaalla agagaarka Warashadda Taraqa iyo Sigaarka ee degmada Wartanabada ee Gobalka Banaadir kaasi oo markii dambe sababay is rasaaseyn qasaaro geystay.
Goobta is rasaaseynta uu ka dhacay ayaa waxaa la sheegay inay ku geeriyoodeen labba ruux oo mid kamid ahi uu ahaaa qof shacab ah halka ruuxa kale lagu sheegay Askari.
Arintaasi ayaa waxaa ka hadlay Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow Isagoona sheegay Askartii falkaasi geysatay ay ahaaayeen seddex ruux oo mid kamid ah uu goobta ku dhintay halka labbada ruux ee kale uu ku sheegay in lagu xiray xarunta dambi baarista ee CID islamarkaana cadaalad lasoo taagi doono.
Magaalada muqdisho waxaa mararka qaar ka dhaca isku dhacyo ciidamada dowladda iyo dad shacab ah udhaxeeya waxa uuna sababaa qasaara kala duwan.