Somali News

Maamulka Gobolka Banaadir oo ka hadlay qarax ka dhacay Muqdisho

Muqdisho-KNN-Saalax Xasan Cumar Afhayeenka Maamulka gobolka Banaadir oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu faahfaahin ka bixiyay qarax maanta ka dhacay dhabarka dambe ee Barxadda Iskaashatada Gaadiidka ee Degmada Xamar Weyne, islamarkaana u dhow madaxtooyada soomaaliya.

Afhayeenka ayaa waxaa uu sheegay in qarax ay ku dhinteen labo qof, islamarkaana uu hal qof ku dhaawacmay, isagoona sheegay in Sarkaal ka tirsanaa booliska Soomaaliya lagu dilay qaraxa, kaasi   oo lagu magacaabi jiray Cabdishakuur Xuseen Cabdi Dhicisow (Jaabiri).

Sidoo kale afhayeenka ayaa waxaa uu sheegay in qaraxa uu ahaa mid lagu soo xiray gaariga qarxay.

Ugu dambeyn Afhayeenka ayaa waxaa uu shacabka ugu baaqay in ay la shaqeeyaan laamaha ammaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Dhanka kale Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada qaraxa ka dhacay Muqdisho