Muqdisho-KNN-Gudoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maaliyadda Gobolka Banaadir Ibraahim Cumar Mahadd-Alle ayaa magacaabay guddiga qaban qaabada xil wareejinta Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho.
Gudiga la magacaabay ayaa ka kooban Sagaal xubnood waxaana Guddoomiye looga dhigay Cumar Xuseen Maxamed.
Guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolka ayaa faray xubnaha guddiga uu magacaabay inay ka shaqeeyaan diyaarinta xafladda uu xilka kula wareegayo Guddoomiyaha Cusub ee dhawaan loo magacaabay gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Finish.
Hoos ka akhriso warqadda:-
