Uncategorized

Maamulka gobolka Banaadir oo sheegay in ay baarayaan Arday ku sumoobay Muqdisho

Muqdisho-KNN-In ka badan 20 arday oo dhigta Iskuul ku yaala Degmadda kaaraan ee gobolka Banaadir ayaa ku sumoobay Jalaato ay cuneen, sida ay Idaacadda Kulmiye u sheegeen maamulka Iskuulka iyo Goobjoogeyaal.

Iskuulka Hoose, dhexe iyo Sare ee Global qaybtiisa xaafadda Buulo-maaxaay ee Degmadda kaaraan ayaa  lasheegay in ay ardaydu dhiganayeen, isla markaana ay ku sumoobeyn Jalaato ay cuneen.

Arday sumoowday ayaa la geyay Cusbitaalka Keeysaneey oo ku yaala Degmadda Kaaraan.

Sidoo kale dhaqaatiirta Cusbitaalka ayaa Idaacadda Kulmiye u sheegay in loo keenay arday Sumeeysan oo ay la tacaalayaan Xaaladooda Caafimaad.

Maamulaha Iskuulka ayaa sidoo kale Xaqiijiyay in ardaydu ay Jalaato ku sumoobeen, hadana baxnaanintooda lagu mashquulsanyahay.

Dhankale maamulka gobolka Banaadir oo arintaan ka hadlay ayaa sheegay in hadda ay ku howlan yihiin baaritaano ku aadan Ardaydaan maanta sumoobay, waxayna sheegeen in baaritoonaan shirkadii sameysay Jalaatadaasi iyo shaqsiyaadkii iibinayba.

Gudoomiyha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho oo qoraal kooban soo qoray ayaa sidaas sheegay.