Gudoomiye Ku Xigeenka Amniga iyo Siyaasadda ee maamulka Gobolka Banaadir Maxmed Cabdullaahi Tuulah iyo Xoghaya Maamulka Gobolka Banadir Cumar Cabdirsaq Xuseen ayaa xalay siwadajir u Kormeeray qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir Kormeer kaasi ayaa ujeedkiisa waxa uu ahaa xalaada guud ee kajirta degmooyinkaasi iyo roobkii saacadihii lasoo dhaafay ka da’ayay Magaalada Muqdisho.
Degmooyinka uu kormeeray ayaa waxaa kamid ah,Hodan, Howl-wadaag,Wadajir, Xamar Jajab iyo Dharkeenleey.
Gudoomiye Ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda ee maamulka Gobolka Banaadir Maxmed Cabdullaahi Tuulah ayaa kawarbixiyay Kormeerkasi kadib Mar uu ka hadlayay ayaa waxa uu yiri:
”Waxaan sameynay kormeer aan ugu kuurgalayno xaalada iyo saamaynta ay yeesheen roobabkii saacadihii u dambeeyay ka da’ayay magaalada,waxaa gurmad ugu fidineynaa dadka uu roobka saameeyey ayuu yiri”Tuulax.
Roobkii saacadihii la soo dhaafay ka da’ayay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu biyo dhigey wasooyinka qaar ee Muqdisho,kuwaas oo uu xiray.








