Somali News

Maamulka Gobolka Hiiraan oo beeniyay in la musuq maasuqay gargaarkii la gaarsiiyay magaalada Beledweyne

Beledweyne-KNN-Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa beeniyay in la musuq maasuqay deeqdii raashinka ahayd ee loo geeyay dadka ay saameeyeen Fatahaadda Webiga Shabeelle.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in deeqdii raashinka ahayd ee u horaysay ee la gaarsiiyay magaalada Beledweyne ay gacanta ku hayaan, isla markaasina aysan jirin cid muqsuq maasuq ku samaysay.

Guddoomiyaha ayaa waxa uu sheegay in deeqda oo aan wali la qaybin ay doonayaan in la siiyo dadkii loogu talogalay .

Waxa uu hadlkiisa ku daray Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale, in ay jiraan dad isku ekaysiiya hay’adaha Samafalka iyo kuwa gargaarka ee Dawladda , kuwaasi oo u jeedkoodu yahay in ay musuq maasuqaan waxyaabaha loogu soo talogalay in lagu caawiyo shacabka ku dhibaataysan magaalada Beledweyne, isagoo sheegay in aysan u dulqaadan doonin.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ay dadka wararka been abuurka ah ka faafinaya in la musuq maasuqay deeqdii koowaad ee la garsiiyay magaalada Beledweyne ay yihiin dadkaas, ayna tahay wax kama jiraan .