Somali News

Maamulka Hirshabeele oo qorsheynaya dagaal AS looga saareyo dhanka Webiga

Wasiirka Amniga Maamulka Hirshabeele Maxamed Cabdiraxman Qeyre Ayaa Ka hadlay Howlgalada ka dhanka ah al shabaab oo ay iska kaashanayaan ciidanka dadka deegaanka iyo kuwa dowlada ee kasocda deegaanada maamulkaasi.

Wasiirku waxa uu sheegay in alshabaab ay kasoo weeraraaan deegaanada maamulka hirshabeele dhanka wabiga waxa uuna sababta fududeysa weerarada alshabaab uu ku sheegay in wabigu uu biya yareeyey taasina ay sahashay iney alshabaab weeraraan deegaanada xiga dhanka wabiga.

Sidoo kale Wasiirka Amniga Maamulka Hirshabeele ayaa shaaciyey in Maamulku qorsheynayo dagaal ka dhan ah Alshabaab oo laga bilaabayo dhanka wabiga iyo deegaanada kale ay kooxda uga sugan yihiin maamulkaasi.

Bilihii lasoo dhaaafay waxaa deeganada maamulka hirshabeele kasocday guluf ka dhan ah kooxda Alshabaaab waxaana suura gashay in alshabaab laga saaro deegaano badan oo muda dheer ay maamulayeen.