Somali News

Maamulka Hirshabeelle oo soo dhaweeyay go’aan ka soo baxay Aqalka sare

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa taageeray go’aankii Guddiga Joogtada ee Aqalka Sare iyo baaqii Guddoomiye Cabdi Xaashi C/llaahi ee ahaa in la isugu yimaado shir wadatashi oo degdeg ah oo ay yeeshaan Madaxda Qaranka, dowlad goboleedyada iyo saamileyda siyaasadda dalka.

War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Hirshabeelle Waare ayaa lagu sheegay inay taageerayaan fikirka saliimka ah ee Aqalka sare ee ah in loo turo shacabka Soomaaliyeed ee dhibaatooyin fara badan ay heystaan, ayna qabaan in loo tanaasulo xaalada ay ku sugan yihiin.

Maamulka Hirshabeelle ayaa noqonaya maamulkii 3aad ee taageera Baaqii Aqalka Sare, ee ah in la iskugu yimaado shir guud oo wada tashi ah, kaas oo noqon doono mid saddex geesood ah, maadaama ay ka soo qayb galayaan madaxda Qaranka, maamul goboleedyada dalka ka jira iyo saamileyda siyaasadda dalka.