Uncategorized

Maamulka Hirshabeelle oo xil ka qaadis ku sameeyay taliyihii Nabad sugida Beladweyne iyo kan gobolkaba

Beladweyn-KNN-Maamulka Hirshabeelle ayaa is badalo ku sameynaya maamulka gobolka Hiiraan iyo Taliska ciidanka nabad sugida gobolkaasi.

Shalay ayey aheed markii madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare uu xil ka qaadis ku sameeyay guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan, iyadoona xil ka qaadistaas lagu tilmaamay isbadal loo baahan yahay in lagu sameeeyo maamulka gobolka.

Waxaa guddoomiyaha gobolka Hiiraan loo magacaabay Cabdulaahi Axmed Maalim.

Maamulka HirShabeelle ayaa sidoo kale xil ka qaadis ku sameeyay taliyihii Ciidanka Nabadsugida ee Gobolka Hiiraan, iyadoo sidoo kale la magacaabay Taliyaha Ciidanka NISA ee Gobolka Hiiraan Iyo kan Baladweyne.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Taliyaha Nabadsugida Maamulka HirShabeelle ayaa waxaa xilkii looga qaaday taliyihii Ciidanka Nabadsugida Gobolka Hiiraan Dhame Cabduqaadir Maxamed Abuukar (Dhagaweyne), iyada oo xilkaas loo magacaabay Dhame Cabdi Maxamed Cali.

Sidoo kale waxaa wareegtada lagu Magacaabay taliyaha Ciidamada Nabadsugida Magalada Baladweyne kaas oo loo magacaabay Colaad Cabdullaahi Cismaan.

Isbadaladaan ayaa dhacaya xili madaxweynaha maamulka Hirshabeelle uu ku sugan yahay magaalada Beladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.