Uncategorized

Maamulka Hirshabeelle “waan ka hor tageynaa wax yeelada fatahaada Webiga Shabeelle”

Jowhar-KNN-Wasiirka wasaarada beeraha iyo waraabka ee maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay in ay wadaan dadaalo ku aadan ka hortaga wax yeelada ka dhalan karta fatahaad uu sameeyay Webiga Shabeelle.

Wasiirka beeraha iyo waraabka ee Hirshabeelle Xasan Axmed Muudeey ayaa sheegay in fatahaada webiga uu saameysay dhamaan dadka reer Jowhar, wuxuuna tilmaamay in hadda ay wadaan qorshe balaaran oo ay ugu hortagaan wax yeelada ka dhalan karta fatahaada.

Xasan Axmed ayaa sidoo kale sheegay in magaalada Jowhar ay ku yaalaan beero badan oo wax soo saar leh, isla markaana ay wadaan qorshihii ugu hor tagi lahaayeen in ay saameyso fatahaada Webiga beerahaasi.

Webiga Shabeelle oo maalmihii dambe la ciir ciirayay biyo badan ayaa ku fatahay magaalada Jowhar ee xarunta maamulkaasi.

Fatahaada ayaa saameysay dhamaan dhaq dhaqaaqyadii dadka gaadiidka iyo goobihii waxbarashada.