Uncategorized

Maamulka Isbitaalka Madiina oo ka warbixiyay Meydad iyo dhaawacyo Isbitaalka la geeyay.

Muqdisho-KNN-Meydad markii qaraxa uu dhacay la aqoonsan waayay iyo dadkii ku dhaawacmay weerarkii hoteelka Naasa-hablood  Labo ee shalay Gelinkii dambe ilaa xalay socday ayaa waxaa la gaarsiiyay Isbitaalada magaalada Muqdisho.

Meydadka qaar ee uu kamid ahaa Taliyihii Ciidanka Booliska ee degmada Deyniile ayaa lagu aasay Isbitaalka Madiina  ee magaalada Muqdisho.

Maamulka isbitaalka Madiina iyo Wasaarada Caafimaadka ayaa warbaahinta uga warbixiyay Xaalada dhaawacyada iyo Tirada guud ee dhaawacyada la geeyay isbitaalka Madiina.

Gudaha Isbitaalka ayaa waxaa ka jiray cariiri oo dad badan ayaa meydadka eheladooda halkaas loogu tilmaamay qaarna waxaa ay booqanayeen ehelkooda dhaawaca ah ee jiifa Isbitaalka iyadoo dhaawacyada qaar oo aan soo aragnay xaaladoodu aad u liidatay.

Meydadka 5 qof iyo sidoo kale 19 qof oo dhaawac ah ayaa la gaarsiiyay Isbitaalka Madiina sida uu sheegay Agaasimaha Isbitaal Madiina Maxamed Yuusuf.

Wasiirka Waafimaadka ee Xukuumada Somalia Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa iyadana waxaa ay sheegtay in ay tahay Todobaadkii labaad oo dad badan ay dhaawacyo ka soo gaaran qaraxyo ka dhaca muqdisho waxaana ay intaas ku dartay in dhaawacyada qaar ay xaaladoodu liidato islamarkaana cidii looga maarmi waayo loo qaadi doono Dibada.

Intii aan ku sugneyn isbitaal madiina ayaan la kulanay dad baadi goob ugu jira dadkale oo ay ehel yihiin kuwaa oo ka ag-dhawaa halka uu qaraxu shalay ka dhacay balse aan hada ku heyn nolol iyo geeri waxaana dadki aaan la kulanay kamid ahaa wiilal dhalinyaro ah oo oo ehelkooda raadinyay.