Kismaayo-KNN-Xili wabiyada shabelle iyo jubba ay fatahaado kasameeyeen qaar kamid ah gobalada dalka ayaa waxaa jiray qeyla dhaan arintaaasi laga muujinayay.
Saameyn xoogan ayey geysteen fatahaadii ay sameeyeen Wabiyada shabeele iyo Jubba, kuwaas oo ku fatahay deegaano badan oo ka tirsan gobolada dalka.
Wasiirka Wasaarada Haweenka iyo Xaquuqul insaanka ee maamulka Jubaland kana mid ah guddiga gurmadka ee maamulkaasi Qamar Deeq Jaaji Khaliif oo lahadashay Idacadaan Kulmiye ayaa waxey ka deerisay xaalada shacabka ku nool hareeraha wabiga Jubba kuwaasi saameyn xoogan ka dhaxlay fatahaada Wabiga Jubba islamrkaana dadaadkii ka dhashay Roobabkii da`ay ku waayay aqaladii ay deganaayeen iyo waliba beeraha ay tabcanayeen.
Wasiir Qamar ayaa shaaca ka qaaday in dadka ku nool qeybo kamid ah goblada Gedo iyo Jubbada dhexe deegaano kamdi ah ay aad u ildaranyihiin xoolihii ay dhaqanayeen ay wax yeeleeyeen daadadkii ka dhashay roobabkii da`ay.
Wasiirada waxay tilmaantay in u gurmashada dadkaasi ay ka haysato culeys weyn oo ah deegaanada dadkaasi ku dhibaateysan yihiin oo ay gacanta ugu jirto Al-shabaab.
Wasiirad Qamar ayaa ugu dambeyn maamulka Jubbaland, dowlada dhexe iyo Hay`addaha samafalka ka dalbatay in dadkaas si deg deg ah loogu soo gurmado.