Wasiirka wasaarada Warfaafinta ee Maamulka Jubbaland Eng. Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed oo l;a hadlay warbaahinta ayaa digniin u diray Ganacsatada iyo dhaqaatiirka ka howlgasha deeganada Jubbaland,ee iibiya daawooyinka aan la hubin tayadooda ee la geeyo deegaanada maamulkaasi.
Waxaa uu sheegay Wasiirka in Ganacsatada qaarkood ay keenan deegaanada Jubaland Dawooyin dhacay,hayeeshee loo baahan yahay in laga hortago.
Sidoo kale Wasiirka ayaa waxaa uu tilmaamay in dhawaan la kontoroole doono daawooyinka dhaca ee soo gala deegaanada maamulka Jubbaland.
kulankii Golaha Wasiirada Jubbaland ee shalay ayaa lagu soo hadal qaaday dhibaatooyinka ka dhasha dawooyinka aan la hubin tayadooda ee laga Ganacsado sidoo kalena ay dhaqaatiirtu isticmaalaan.


