Uncategorized

Maamulka Jubbaland oo amaro dul dhigay hay`adaha ka howgalo deegaanadaas.

Kismaayo-KNN-Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa fariin adag u diray hay`adaha ka howgalo deegaanada maamulkaas wuxuuna ka dalbaday in ay joojiyaan warbixino uu ku sheegay in ay yihiin been oo la diro laguna sheego in mashruucyo laga fuliyay deegaanada Jubbaland.

Wuxuu madaxweynaha hay`adaha ka dalbaday in maamulka uu ka qeyb qaato fulinta mashaariicdaas ama deegaanadaas isaga baxaan hay`addahaan uu sheegay in ay caadeysteen fulinta mashruucyo been ah.

Axmed Madoobe ayaa tilmaamay in dadka dhibaateysan ee ku nool deegaanada maamulka Jubbaland ay noqdeen kuwoo lagu qaraabto laakiin aysan ogolaan doonin wixii xiligaan ka dambeeya shaqo been ah uu sheegay in ay qabtaan hay`addaha ka howgalo deegaanada Jubbaland.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa hay`addaha ka dalbaday in ay ogolaadaan in lala xisaabto oo la ogaado waxa ay qabanayaan iyo run ahaanshahoodu mashruucyada ay fuliyaan.