Uncategorized

Maamulka Jubbaland oo sheegay in ay baarayaan Duqeyn Diyaaradaha kenya ay ka fuliyeen Gedo.

Kismaayo-KNN-Maxamuud Sayid Aadan  Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Jubbaland oo la hadlay Saxaafada ayaa sheegay in dowladda iyo Maamulka Jubbaland ay baaritaan ku sameyn doonaan  duqeyn ka dhacday Deegaanka tarako ee Gobalka gedo, islamarkaana magdhaw la siinayo dadkii ku waxyeeloobay duqeynta.

“Maamulka Jubbaland Waxaa ay aad ugu xun yihiin dhibaatada loo geystay dadka shacabka ah ee lagu laayay degaanka Tarako ee Gobolka Gedo” Sidaasi Waxaa sheegay madaxweyne ku xigeenka maxamud Sayid.

Dagaalo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Kenya iyo Kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya oo isku dhinac ah iyo Al-Shabaab ayaa Todobaadkii la Soo Dhaafay weerar ay ku qaadeen Deegaanka Tarako ee Gobalka Gedo.

Diyaaradaha Kenya ayaa waxaa la Sheegay in duqeymo ay ka geysteen Deegaanka tarako ee Gobalka Gedo,Islamarkaana waxaa la Sheegay in Khasaaro badan uu ka dhashay Duqeyntaas ay fuliyeen Ciidamada Kenya.

Maalmihii ugu dambeeyay ayaa Diyaaradaha Kenya waxaa ay Duqeymo  ka geysteen Deegaano ka Tirsan Gobalka gedo,inkastoo aanu jirin weli wax war ah oo ka  soo baxay Madaxda Ugu sareysa ee Dowlada Federaalka soomaaliya iyo kuwa Jubbaland,kaasi oo ku aadan Sababaha keenay in Diyaaraha Kenya ay Duqeymo ka geystaan Gobalkaas.