Uncategorized

Maamulka Jubbaland”si loo yareeyo waxyeelada ay geystaan Al-shabaab dagaal ayaan ku qaadeynaa”

Kismaayo-KNN-Taliyaha Ciidamada Daraawiishta ee deegaanada Waqooyiga Magalada Kismaayo Xasan Maxamed Aadan  oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu ka hadlay dhibaatooyinka kala duwan ee Al-Shabaab ay ku hayaan Shacabka ku nool duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose.

Sidoo kale Taliyaha ayaa  sheegay in dhawaan ay bilaabi doonaan dagaal ka dhan ah Al-Shabaab oo looga saarayo degaanada ay ka arimiyaan dagaalamayaasha Al-Shabaab oo ka tirsan gobalada Jubooyinka.

Taliye Xasan Maxamed Aadan oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in ujeedka  howlgalkaan uu yahay sidii dib loogu celin lahaa dad ay soo barakaciyeen Al-Shabaab, isagoona Sheegay in hada Qorshahaasi ay socdaan maalmaha soo aadan ay dagaal ku qaadi doonaan Al-Shabaab.

Hadalka Taliyaha Ciidamada Daraawiishta ee maamulka Jubbaland ayaa ku soo beegmayaa Xilli Al-Shabaab degaano badan oo ka tirsan gobalada Jubooyinka Iyo Gedo ay maamulaan, iyagoona inta ciidamada Jubbaland iyo kuwa Xooga ay dagaal kula galeen degaanadaasi.