Somali News

Maamulka K/Galbeed oo isfaham ka dhax abuuraysa Shacabka iyo Ciidamada

Baydhabo-KNN-Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa wada dadaalo uu ku doonayo in uu isfaham kaga dhax abuuro Shacabka ku nool magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Bay iyo hey’adaha amaanka ee maamulkaasi KG.

Isaaq Barrow Isaaq, Wasiir ku xigeenka amniga ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa magaalada Baydhaba ka furay tababar ay ka qayb galayaan qaybaha Shacabka iyo Ciidanka amaanka, waxaana looga hadlayaa sidii ay wada-shaqayn lahaayeen labada dhinac.

Wasiir ku xigeenka amaanka ayaa sheegay in Maamulka KG Soomaaliya uu dadaal dheer ku bixinayo sidii ay wada-shaqayn lahaayeen Shacabka iyo hey’adaha amaanka, waxa uuna mas’uuliyiinta amniga iyo Ciidamada ka dalbaday in ay kasbadaan Shacabka ku nool degaanada Maamulka Koonfur Galbeed.