Somali News

Maamulka KNN oo ka faala qaaday nolosha maamo Dahabo Cali oo caruurteedii laga laayey

Muqdisho-KNN-Kadib markii ay shalay Idaacadda Kulmiye baahisay xogta Maamo Dahabo Cali Jimcaale oo ah Hooyo da’ah, isla markaana caruurteedii looga laayey dagaalada iyo qaraxyada ka dhacaya dalka, ayaa maanta waxaa suurta gashay maamulka Radio Kulmiye uu deeq lacageed guddoonsiiyo maama Dahabo.

Cumar Xabeeb Nuur (Cumar Tiijar) oo ka mid ah masuuliyiinta sare ee Idaacadda Kulmiye ayaa maamo Dahabo Cali Jimcaale guddoonsiiyey deeq lagaceed oo ay iska soo aruuriyeen dad muxsiniin ah oo ka damqaday nolosha adag oo ay ku jirto maamadan, kadib markii aan baahinay warbixinteeda.

Sidoo kale Cumar Tiijar waxuu dadka Soomaaliyeed ee Alle wax siiyey ugu baaaqay inay ka qeyb qaataan taakuleynta maamadaan da’da ah ee caruurteedii ku weysay dagaalada sokeeye iyo qaraxyada ka dhacaya Soomaaliya.

Dhanka kale Cumar Xabeeb Nuur ayaa ka dhawaajiyey in maamulka Radio Kulmiye uu kafaalo qaadayo biilka Hooyo Dahabo Cali Jimcaale, wixii maanta ka dambeeyana ay bil kasta biilkeeda ka heli doonto Idaacadda Kulmiye.

Maamo Dahabo ayaa iyadoo ilmeyneysa ka mahad celisay taakulada loo fidiyey iyo balanqaadka sii jiri doona ee maamulka Idaacadda Kulmiye ay ka heshay, sidoo kale waxay u mahad celisay cid kasta oo wax ku tartay nolosheeda.

Waxaa dad badan oo Soomaaliyeed naga soo gaartay saameynta ka dhalatay warbixintii aan shalay ka baahinay maamo Dahabo oo sheegtay in afar kamid ah todoba carrur ah oo ay dhashay hal goob looga dilay, xilligii uu Muqdisho ka socday dagaalkii afar biloodka. Halka gabadhii ugu dambeysay owlaadeeda ay ka mid noqotay bololaalkii qof ee lagu dilay qaraxii musiibada ahaa 14-kii bishii October ee sanadkii 2017-kii ka dhacay isgoyska Soobe.

Hoos ka dhageyso codadka maamulka KNN iyo Maama Dahabo Cali