Uncategorized

Maamulka Koofur Galbeed oo amaro duldhigay Ajaanibta ku sugan deegaanada maamulkaasi

Baydhabo-KNN-Wasaarada amniga maamulka Koofur Galbeed ayaa amar duldhigtay ajaanibta ka shaqeeya hay`adaha ka howgalo deegaanada Koofur Galbeed, kuwaas oo laga dalbaday in ay isdiiwaan geliyaan si loola socda amnigooda ayuu yiri Wasiirka Wasaarada amniga ee Koofur Galbeed.

Wasiirka ayaa sheegay in ay muhiim tahay in ay ka warqabaan ajaanibta ku sugan deegaanada maamulkaas maadaama ayuu yiri magaalada Muqdisho lagu afduubtay Haweeney u shaqeyneysay hay`adda Laan kheyrta Cas ee ICRC una dhalatay dalka Jarmalka.

Gobolka Banaadir iyo gobolada kale ee dalka ayaa waxaa ku sugan ajaanib fara badan kuwaas oo aan aan la ogeyn inta ay la egyihiin tiradooda.