Somali News

Maamulka Koofur Galbeed oo bilaabaya Howlgal ka dhan ah Al-shabaab.

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Cabdi Casiis Lafta Gareen ayaa sheegay in dhawaan in ay bilaaban doonaan sidii loo qaadi lahaa Howlgal ka dhan ah Al-shabaab.

Waxaa uu tilmaamay Madaxweynaha Shacabka ku dhaqan deegaanada Koofur Galbeed ay haystaan Dhibaatooyin badan, taasi oo ay ugu horeysa dagaalamayaasha Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada Dowlada iyo kuwa Koofur Galbeed ay bilaabi doonaan Howlgal la isugu furi doono wadooyinka ay Go’doomiyeen Dagaalamayaasha Al-shabaab.

Hadalka madaxweynaha ayaa ku soo beegmaya xili deegaano badan oo ka tirsan Koofur Galbeed ay Go’doomiyeen Al-shabaab.