Somali News

Maamulka Koonfur Galbeed oo ka hadlay falkii xalay ka dhacay Gaalkacyo

Baydhabo-KNN-Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ka hadlay 10 ruux oo xalay lagu dilay goob la iskugu geeyay oo kutaalla duleedka Koonfureed ee Magaalada Gaalkacyo, kadib markii maleeshiyaad hubeysan oo ka fal celinaya dil isla xalay Gaalkacyo loogu geystay Sarkaal ka tirsanaa ciidamada Nabad Sugidda maamulka Galmudug ay dadkaas ka dhex qabteen magaalada.

Wasiirka warfaafinta maamul goboleedka Koonfur Galbeed Ugaas Xasan oo arintaas ka hadlay ayaa sheegay in dadkii xalay lagu dilay Gaalkacyo ay dhamaantood kasoo jeedeen deegaanada koonfureed ee  uu ka arimiyo maamulka Koonfur Galbeed.

Wasiir Xasan ayaa sheegay in ay wadaan baaritaano ku aadan arintaas, isagoo balan qaaday in baaritaankaas kadib uu la hadli doono warbaahinta kana warbixi doono inta ay ka ogyihiin wixii xalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

 Wasiirka Warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale sheegay in ay ka war heleen dad kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed oo kunool magaalada Gaalkacyo in ay ku cabsi darted xalay ku hoyan waayeen guryahooda.