Uncategorized

Maamulka Koonfur Galbeed oo wada qorshe la isku furayo wadooyinka u go’doosan Al-shabaab ee deegaanada Maamulkaasi.

Muqdisho-KNN-Xilli wali wadooyin badan oo kamid ah deegaanada maamulka Koonfur Galbeed ay yihiin kuwo u go’doonsan Al-shabaab ayaa waxaa mas’uuliyiinta  maamulkaasi ay sheegayaan in bilaha soo socda dhamaan wadooyinka xaniban la isku furi doono.

Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Nuurdiin  Yusuf Abuukar Gacma oo la hadlay idaacada kulmiye ayaa waxaa uu sheegay in Madaxweynaha Koonfur Galbeed shariif xasan sheikh Aadan uu amray in si dhaqsi ah loo furo wadooyinka go’doonsan ee deegaanada maamulka Koonfur Galbeed.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in dhawaan ciidanka xooga bilaabayaan dagaal Al-shabaab looga saaryo meelaha ay kaga suganyihiin deegaanada Koonfur Galbeed si loo furo wadooyinkaasi.

Ma ahan markii ugu horeysay ee mas’uuliyiinta maamulka Koonfur Galbeed sheegaan in ay wadaan qorshe la iskugu furayo wadooyinka mara Shabeelaha Hoose , Baay iyo Bakool hase ahaateewaxaa jirta in hada ay socdaan dhaq dhaqaayo ciidan oo ka dhan ah Al-shabaab kana socda deegaanada Koonfur Galbeed.