Uncategorized

Maamulka Puntland oo Guddoomiye u Magacowday Magaalada Laascaanood

Garowe-KNN-Madaxwayne Ku xigeenka maamulka Puntland ahna Ku simaha Madaxwaynaha Puntland Cabdixakiin Camey ayaa Mas`uul u magacaabay degmada Laascaanood ee gobolka Sool.

Cabdixakiin Camey ayaa Abdiqani Makhtal Maxamed u magacaabay gudoomiyaha degmada laascaanood ee gobolka Sool oo ah degmo maamulkeedka ay ku muran san yihiin Puntland iyo Soomaaliland, inkastoo magaalada ay gacanta ugu jirto Soomaaliland haddane Puntland ayaa dhowr jeer oo hore sheegtay in duulaan qaawan ay Soomaaliland ay ku haysto magaaladaasi.

Magacaabistaan ayaa laga cabsi qabaa in ay abuurto colaad cusub oo u dhaxeysa Soomaaliland iyo Puntland.