Muqdisho-KNN-Maamulka Puntland ayaa is hortaagay maanta banaan bax la doonayay in lagu taageero dawlada federaalka ah ee Soomaaliya.
Banaanbaxan oo ka dhacay degmada Xiingalool ee gobolka Sanaag, ayaa waxaa dadkii shacabka ahaa ee banaanbaxa dhigayay is hortaagay ciidamada booliska ah ee maamulka Puntland.
Ciidamada booliiska ee maamulka Puntland, ayaa kala eryay shacabkii dhigayay banaanbaxa kuwaas oo doonayay in taageeradooda ay ugu muujiyaan madaxda dawlada Soomaaliya.