Uncategorized

Maamulka Yaaqshiid oo la sheegay in uu amar ku bixiyay in la xiro Ganacsiga ka jira Suuq Bacaad.

Muqdisho-KNN-Waxaa saakay la xiray Gabi ahaanba dhaq dhaqaaqii Ganacsi ee ka jiray Suuqa Labaad ee Soomaaliya ugu weyn ee Suuq Bacaad sida ay noo sheegeen Ganacsatada Suuqa.

Amarkaan ayaa la sheegay in uu ka soo baxay Maamulka degmada yaaqshiid ee gobalka Banaadir kadib dilal ku soo laab laabtay Gudaha Suuqaasi.

Qof ka mid ah dadka ku ganacsada Suuq Bacaad ayaa KNN u sheegay in lagu soo wargiliyay in dhaq dhaqaaqa Ganacsi ee Suuqaasi aan la furi karin mudo 10 Maalmood ah hadii aysan soo sheegin dadka dilalka ka geesta Gudaha Suuqaasi.

“Waxaa noo yimid Maamulka degmada waxayna nagu qabsadeen sababtii aan usoo qaban weynay dadkii ka danbeeyay dilal suuqa dhaxdiisa ka dhacay maalmihii la soo dhaafay waxaana u sheegnay in arintaasi ay nagu adagtahay sababo amnigayna ah kadibna waxaa nagula amray in aan xerno dhamaan Goobaha Ganacsiga” sidaasi waxaa noo sheegay mid ka mid ah ganacsatada Suuq Bacaad ee gobalka Banaadir.

Maalin ka hor ayaa Boosteejada ku taala Suuq Bacaad lagu dilay Sarkaal sare oo ka tirsan Ciidanka Minishiibiyada Soomaaliya oo canshuur ka qaadayay ganacsatada Suuqa.

Sidoo kale dil ayaa todobaadkii la soo dhaafay ka dhacay suuqaasi habeeno ka horna Bam gacmeed ayaa lagu tuuray Laanta Suuq Bacaad ee gobalka Banaadir.