Uncategorized

Maamulkii Raaga Ceelle oo la kala diray iyo kuwa cusub oo la magacaabay.

Jowhar-KNN-Wasiirka Arimaha Gudaha ee maamulka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa maanta xilka ka qaaday dhamaan mas’uuliyiinta Raaga ceelle ee gobalka Shabeelaha dhexe, waxaana la magacaabay mas’uuliyiin cusub ee oo badala madaxdii hore ee Degmada Raaga Ceelle.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Arimaha Gudaha kuna taariikhaysan 7-dii Bishii dhamaatay ee January ayaa lagu shaaciyay Magacyada mas’uuliyiinta Cusub ee Raaga Ceelle iyadoo la faray in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ka qayb qaataan dib usoo noolaynta Raaga ceelle iyo gudashada mas’uuliyadooda.

Hoos ka aqriso Wareegtada Wasiirka Arimaha Gudaha ee Hirshabeelle.