Uncategorized

Maareeyaha guddiga doorashada Kenya oo loo diray “fasax qasab ah”

Sarkaal sare oo ka tirsan guudiga doorashada ee Kenya ayaa qaatay fasax, sidoo kale, qeybna kama noqon doono doorashada isbuuca soo socdo.

Ezra Chiloba, oo ahaa madaxa fulinta guddiga ayaa “shaqi ahaan u go’aansaday in uu fasax aado si uu kalsooni u geliyo qaar ka mid ah musharrixiinta.”

Waxaa jiro siyaasiyiin ka andacooday in Chiloba uu qeyb ka ahaa wax isdabamarintii lagu eedeeyay Guddiga, sida uu qoray wargeyska Nation ee Kenya.

Mr Chiloba wuxuu dhowr bilood xuddun u ahaa eedaha mucaaradka ay guddiga IEBC u jeedinayaan, waxaana lala xiriirinayaa xisbiga talada haya ee Jubilee.

Waxaa la sheegayaa in madaxa fulinta guddiga doorashooyiinka ee kenya “la siiyay fasax qasab ah”.

Mucaaradka uu hoggaaminayo Raila Odinga ayaa sheegay in Chiloba uu Jubilee u diyaariyay in ay ku guuleystaan doorashadii August ee maxkamaddu laashay.

Mucaaradka ayaa doonaya in Chiloba iyo xubno sare oo ka tirsan IEBC is casilaan, taas oo ay u arkaan in ay muhiim u tahay isbedel lagu sameeyo guddiga.

Waxay sheegayaan in aysan doorasho dhici karin haddaan isbedel lagu sameyn guddiga doorashada.

mucaaradka waxay ku doodayaan in “Chiloba uu masuul ka ahaa wax isdabamarinta iyo qaladaadka la sameeyay xilligii tirinta codadka ay socotay, taas oo ay caddeysay maxkamadda ugu sareysa ee Kenya.”

Sikastaba, Chiloba ayaa diiday in uu aqbalo dalabka mucaaradka ee ah in uu guddiga ka tago. Wuxuu BBC-da u sheegay in Maxkamaddu aysan wax qalad ah ku cadeyn saraakiisha IEBC.

Guddoomiyaha guddiga doorashada, Wafula Chebukati, ayaa Arbacadii ku baaqay in xubnaha looga shakiyay wax isdabamarinta ee guddiga ka mid ah in ay is casilaan.

Mr Chebukati ayaa hadalkaas jeediyay saacado ka dib markii xubin sare oo IEBC ka mid ahayd, Roselyn Akombe, ay iska casishay xilkii ay haysay guddiga, dalkana ka carartay.

Waxay sheegtay in la handaday, nafteedana u baqday. “Guddiga ayaa ku shaqeynayo xaalad adag,” sida ay BBC-da u sheegtay.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in uu doonayo koox gaar ah in ay doorashada maamulaan. Laakiin fasax uu qaatay Chiloba lama filayo in mucaaradka ku qanco, sababtoo ah doorashada 26-ka bishan, waxaa ka dhiman isbuuc ka yar.

Hoggamiyaha mucaaradka ayaa dhowaan sheegay in uu ka baxay tartanka. Wuxuuna tilmaamay in”Isbedel la’aan, aysan doorasho dheceyn.”

  • Maxkamadda ayaa sheegtay in waaxda cadaaladda ay masuuliyad ka saran tahay xaqiijinta sax ahaanshaha nidaamka codaynta, tirinta iyo soo gudbinta natiijada doorashada.
  • Garsoorayaasha waxa ay sheegeen in NASA aysan cadayn in IEBC ay ku dhawaaqeen natiijada madaxwaynanimada ka hor inta aan la soo wada gudbin dhamaan 40,883 diiwaan oo ah nooca loo yaqaano Foom 34A.
  • Garsoorayaasha ayaa sheegay in dadka ay telafishanada ka daawanayeen natiijada doorashada balse aanan loo sheegin goobaha ay natiijada ka soo dhacayso
  • Maxkamadda ayaa waxa ay sheegtay in ay ahayd in gudiga IEBC uu doorashada u qabto sida uu dhigayo sharciga dalka.
  • Waxay sheegeen in gudiga doorashada ay qasab ku tahay in doorashada ku celiska ah ay u diyaariyaan nidaam la adeegsan karo hadii qalabka tiknoolajiyada uu shaqayn waayo.
  • Maxkamadda ayaa sheegtay in baaritaan ay ku sameeyeen 4,299 diiwaan oo ka mid ah warqadaha ay ku arkeen kala duwanaashiyo balaaran.