Somali News

Maareeye oo qoraal xasaasi ah ka soo saaray kulan ay Muqdisho ku yeesheen siyaasiyiinta gobollada waqooyi

Muqdisho-KNN-War-saxaafadeed uu soo saaray wasiirkii hore ee warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayuu ku shaaciyey in galabta kulan looga tashanayey arrimaha doorashada kuraasta gobollada waqooyi ay isugu yimaadeen siyaasiyiinta reer Somaliland ee ku sugan Muqdisho.

“Galabta waxaan ka qaybgalay kulan Gudoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdilaahi kula tashanayey Wasiiro, Xildhibaano, Siyaasiin hore, daneeyayaal siyaasadeed oo cusub iyo qaar ka mid ah madax-dhaqameedka ka soojeeda Somaliland, tashigaas oo la xidhiidhay xulista Gudiyada Doorashooyinka ee Somaliland” ayuu Maareeye ku yiri.

Waxa uu sheegay intii shirku socday in la isla gartay, maadaama la qaatay habraacii doorashooyinka ee 2016-kii ee guddoomiye Jawaari u xilsaarnaa in uu magacaabo gudiyada doorashooyinka ee kuraasta  Somaliland. In hadda loo baahanyahay qof qaata mid lamid ah doorkii guddoomiye Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

“Maanta waxaa shaqadaas iska leh Gudoomiye Cabdi Xaashi oo booskiisii ku jira, ugu sareeya, uguna da’weyn Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta ka soojeeda Somaliland.”ayuu ku yiri qoraalkiisa.

Hoos ka akhriso qoraalkan oo dhameystiran