Muqdisho-KNN-Labo macalin oo aan muslimiin ahayn ayaa lagu Dilay gobolka Woqooyi bari Kenya kadib markii Qalab qarax dhaliyay lagu tuuray gurigii ay deganaayeen oo ku yaala Magaaladda Lafey ee Ismaamulka Mandera.
Ciidan Booliis ah ayaa Kooxdii Weerarka qaaday ka baacsaday, inkasta oo ay baxsadeen. Kooxdana waxaa la aaminsanyahay in ay ka tirsanyihiin Al-shabaab.
Booliiska Kenya ayaa hadda wada howl gallo ay baadi goobayaan kooxihii Weerarka ka Dambeeyay.
Cabsi badan ayaa ka jirta Gobolka Woqooyi bari Kenya oo Al-shabaab ay dhowr kol ku duileen Macalimiin school.
Horraantii sanadkaan Afar ka mid ah shaqaalaha Kaawadda ayaa koox la tuhunsanyahay in ay Al-shabaab ka tirsanyihiin waxay ku dileen meel u dhow Magaaladda hadda macalimiintalagu dilay ee lafey.
Al-shabaab ayaa baraha ay Warka ku faafiyaan waxay ku sheegteen in ay Dagaalamayaashoodu qaadeen weerarka macalimiinta lagu dilay.
Weerarkaan u Dambeeyay ayaa sidoo kale waxaa uu imaanayaa iyadoo cabasho iyo mudaharaad wadeen Macalimiinta gobolku bilihii u dambeeyay, cabsi ay amaankoda ka qabaan owdeed.


