Muqdisho-KNN-Qaar ka mid ah Macalimiinta wax ka dhiga Jaamacada Umada Soomaaliyeed ayaa maanta waxa la sheegay ay Sameeyeen Shaqo Joojin kadib markii ay waayeen Mushaarkooda oo aysan Helin mudo ku dhow lix bilood.
Mid ka mid Ah ardayda Wax ka barata Jaamacada Umada Soomaaliyeed oo la hadlay idaacadda Kulmiye ayaa Sheegay in Maanta wax Xiisad ah aysan Qaadan guud ahaan Ardayda Jaamacada Xarumhadeeda kala Duwan ee magaalada Muqdisho waxaana Arintan loo sababeeyay Shaqo Joojinta ay Sameeyeen macalinta Jaamacada Mushaarkooda oo aysan heli Mudo ku dhaw 6-bilood.
Ma jiraan Weli Wax war ah oo ka Soo baxay Maamulka Sare ee Jaamacada Umada ,kaasi oo ay kaga hadlayaan Cabashadan ay jeedayeen macalimiinta Jaamacada.
Wararka ay heshay Idaacadda Kulmiye ayaa sidoo kale Sheegaya in hada ay socdaan dadaalo ay wadaan Maamulka Jaamacada iyo Kulamo la sheegay in ay u socdaan Macalimiinta Mas’uliyiinta Jaamacadda.
Qaar ka mid ah macalimiinta oo aan la hadalnay ayaa sheegay in aysan hada ka hadleynin Shaqo joojitooda oo ay dhowrayaan Natiijada kulanka hada u socdo.
Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed oo ilaa 3 Xarumood ku leh magaalada Muqdisho ayaa maanta Guud ahaanba xaadirin macalimiintii ka shaqeynayay.
Mushaarka Macalimiinta ayaa waxaa bixin jirtay Dowlada Soomaaliya sida ay sheegeen Qaar ka mid ah Macalimiinta aan la hadalnay balse aysan helin bilooyinkii la soo dhaafay.