Somali News

Macalimiinta Kenya oo dalbaday hub ay kula dagaalamaan Al-Shabaab

Boqolaal kamid ah macalimiinta aan u dhalan gobolka waqooyi bari Kenya oo wax ka dhigyay iskuulaad ku yaala gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sacaadihii lasoo dhaafay isaga baxay Gobolka Waqooyi Bari kadib weeraro macalimin Kenyan ah lagu dilay oo ay gobolkaasi ka fuliyeen Al-shabaab.

Akelo Misori waa xog hayaha ururka ay ku midaysan yihiin macalimiinta dalka Kenya waxaa uu u soo jeediyay dowladda in ay Tababar militeri iyo hub  siiso macalimiinta si looga baaqsado in ay weeraro kale ay la kulmaan.

Macalimiintii ugu horeeyay ayaa isaga baxay Deegaanka Kamuthe oo isniintii aynu kasoo gudubnay lagu dilay sadax macalin mid kalena lagu dhaawacay.

Tani waa talaabo kale oo dib u dhac u keenaysa Waxbarashada Ismaamulada Soomaalida oo sanadihii ugu dambeeyay gaartay meeshii ugu hoosaysay ururka macalimiinta dalka kenyana waxaa ay ku hanjabayaan in ay gabi ahaanba macalimiintooda kala bixi doonaan deeganada waqooyi bari hadii aan amniga wax laga qaban waayo.

Waalidiin badan ayaa walaac ka muujinaya in u badkooda ay gabaan waxbarashada iyaga oo cod dheer uga dalbanaya madaxda ismaamulada Garissa,wajeer iyo Mandheera in ay xal u raadiyaan xaaladan cakiran.

Laamaha amaanka Kenya ma aysan ka hadlin dalabka ka yimid dhinaca ururka macalimiinta halka wasiirka waxbarashada Kenya  uu maalin ka hor balan qaaday in dowladda ay xil iska saari doonto amniga guud ahaanba Bareyaasha ka howl gala dhulka soomaalida ay dagto ee dalka Kenya.