Sports

Macalin Conte oo ka hadlay mustaqbalkiisa Stamford Bridge.

Muqdisho-KNN-Antonio Conte ayaa shaaca ka qaaday inuusan wax walwal ah ka qabin mustaqbalkiisa Chelsea islamarkaana uu sii wadi doono inuu wax walba siiyo koooxdiis  si shaqadiisa uu u sii jogo inkastoo uu rajeynayo inay kooxdiisu u soo baxdo Champions League xilli ciyaareedka soo socda.

Conte ayaa guuldaro xanuun badan kala kulmay Tottenham, Spurs ayaa ka soo laabatay gool ay kala hormartay kooxda chalsea si ay u xaqiijiso guushoodii ugu horeysay ee Stamford Bridge tan iyo bishii February ee sannadkii 1990.

Conte ayaa la filayaa inuu ka tago xagaaga soo aadan kooxdiisa, lakiin waxaa la weydiiyay hadii uu ka cabsi qabo mustaqbalkiisa ugu dambeyn ee koox ahaan  “Maqabo wax walwal ah,” ayuu yiri tababaraha Talyaaniga.

“waxaan ahay wali macalinka Chalsea shaqadayda waxaan uqabsanayaa si heersare, waan jeclahay inaan sii joogo halkaan wax cabsina kama qawo inaan waynayo shaqadayda”

Conte ayaa lahadal hayaa inuu kulaaaban  karo horyaaalka talyaaniga walow sido kale ay doonayso kooxda BSG.

 

Qalinki  Aadam Aqyaar