Somali News

Macalin Dugsi Quraan iyo ardadiisa oo lagu dilay Shabeellada Dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in Xalay maleeshiyaad hubeysan ay ku laayeen dad shacab ah meel u dhaw deegaanka Xaaji Cali oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Cadale ee gobolkaas.

Dadkaan shacabka ah ee Xalay lagu dilay nawaaxiga deegaanka Xaaji Cali ayaa ka koobna 5 ruux oo kala ahaa Macalin Dugsi Quraan iyo xertiisa, kuwaas oo la tilmaamay in maleeshiyaadka ay jidka u galeen, iyagoo kasoo baxay Subac, kuna sii jeeday guryahooda.

Allah u naxariiste Shanta ruux ee Xalay maleeshiyaadka hubeysan dileen ayaa lagu kala magacaabi jiray Macalin Mukhtar Macalin Maxamuud Yuusuf, Cumar Axmed Yuusuf, Mukhtaar Axmadey Macalin Maxamuud, Maxamed Maxamuud Cali Faradar iyo Abuukar Maxamed Maxamuud Cali Faradar, waxaana la xaqiijiyay in dilkooda uu salka ku haayo aano qabiil.