Sports

Macalinka kooxda Roma oo qaliin lagu sameen doono Sabab?

Muqdiaho-KNN-Tababaraha kooxda Roma Eusebio Di Francesco ayaa dhaawac uu soo gaaray kulankii kooxdiisu ay lagaleen barbaraha 3-3 ahaa kooxda Atalanta habeenimadii Isniinta.

Di Francesco ayaa qalliin looga sameen doonaa garabka bidix kaas oo uu jab kasoo gaaray ka dib markii uu dhaawac soo gaaray isagoo u dabaal dagaya goolkii ciyaaryahan Manolas kaas oo siiyay Barbaraha Kooxdiisa Roma.

Roma ayaa gacan sareesay qaybtii hore ee ciyaarta, laakiin 3-1 ayaa looga hogaamiyay garoonkeeda Stadio Olimpico ka hor inta uusan Alessandro Florenzi iyo Manolas u dhalin goolal soo daahay xilli waqti danbe walow ciyaartu ay kusoo gabagaboobday 3:3.