Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax Hogaamiyaha guud ee Ahlu Sunna oo ka hadlayay Munaasabad ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxa uu ka hadlay Xaaladda Amni ee deegaanada Galmudug oo xiligan marayso.
Hoggaamiyaha ayaa waxaa uu sheegay in falal liddi ku ah Amniga ay mudooyinkii dambe kusoo kordheen Magaalada Dhuusamareeb, iyada oo ay ku sugan yihiin Ciidamadii gacanta ku hayay mas’uuliyadda Ammaanka magaaladaasi.
Sidoo kale Macalin Maxamuud ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in aan la aqbali Karin in falalka Amni darro ee kasoo cusboonaaday Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug.
Macalin Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay in marka ay arkeen Qaraxyada ay muujineyso in Xarunta Galmudug ay gacan gashay.
Hadalka Macalin Maxamuud ayaa waxaa uu ku soo aadayaa kadib markii shalay magaalada Dhuusamreeb uu ka dhacay qarax sababay dhaawac.


