Sports

Macalinka Arsenal oo ka tagaya kooxda marka uu dhamaado xili ciyaareedkaan

Muqdisho-KNN-Tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa lagu wadaa in uu ka tago kooxda dhamaadka xilli ciyareedkaan, oo maamulayay muddo ku dhow 22 sano.

Macalinkaan u dhashay dalka Faransiiska ayaa ka tagaya kooxdiisa isaga oo qandaraaskiisa ay kaga harsan tahay muddo sanad ah.

Kooxda Arsenal ayaa kaalinta lixaad kaga jirta horyaalka Ingiriiska  iyadoo laga yaaba inay u suurta galiweyso inay cariirsadaan kaalinta afaraad ee xilli ciyaareerkan si ay ugu soo baxaan tar tanka horyaalada yurub ee Champion league.

Wenger oo 68 sano jir ah ayaa ku guulaystay 3 horyaal oo ah horyaalka Ingiriiska iyo 7 koob ee FA ah, iyadoo uu laba mar ugu guulaystay sanadihii 1998kii iyo 2002 dii.

“Aad ayaan faraxsanahay inaan hellay fursad aan ugu adeego kooxdaan oo ii leh xasuus aad u badan ” ayuu yiri Wenger oo muddo badan wajahayay baaqyo kaga imanayay taageerayaasha kooxda kuwaas oo ka dalbanayay in uu is casilo.

“Dhammaan dadka jecel kooxda Arsennal waa inay ilaaliyaan qiimaha ay leedahay kooxdaan” ayuu sii raaciyay

Kooxda Arsenal ayaa sheegtay in la magacaabi doono tobabaro kale sida ugu dhaqsaha badan

Arsenal ayaa barta Twitter-ka ku shaacisay in uu Wenger kooxda ka tagaayo

Shakhsiga ugu saamiyadda badan kooxda Arsenal oo lagu magacaabo Stan Kroenke ayaa yiri sidaan “waa mid ka mid ah maalmaha noogu adag intii aan ku jirnay ciyaaraha”

Waxa uu ku daray “ujeedada ugu weyn ee aan Arsenal ugu lugta hayn ayaa ah in Arsene in kooxda la qaatay mar xalad walbo”

Waxaa loo magacaabay xilkaan1 bishii October , 1996, waxa uu na haatan yahay qofkii ugu waqtiga dheeraa ee xilkan qabto waxaa uuna wacdaro ka dhigay 823 ciyaarood.

Balse qaar ka mid taageerayasha ayaa Wenger ku kacsanaa labadii sano ee la soo dhaafay ka dib markii ay kooxda kala kulantay natiijo xumo ciyaaraha horyaalka.

Waxa ay kooxda Arsenal ka dambaysaa 33 dhibcood kooxda man City oo horyaalka ku hogaaminaya 87 dhibcood, waxaa sidookale hoos ka jira kooxda west Brom oo haysata 21 dhibcood.

Wenger waxa uu qaaday sadex koobab oo Premier League iyo afar koobabka FA loo yaqaano 9kii sano ee ugu horeysay ee uu xilka hayay.

Intii u dhaxaysay 2003-illaa 2004-tii waxa uu noqday maamulihii ugu horeeyay ee koox Ingiriis ah hoggaamiyo, taas oo aanan laga badinin laga soo bilaabo sanadkii 1889-kii.

Markii ay ku guuleysteen koobka FA sanadkii 2005-tii, waxa ay ku qaadatay sagaal sano oo kale in uu qaado koob kale.

Waxa uu la tacaalayay sidii uu uga sii mid ahaan lahaa horyaalka Yurub tan iyo markii ay ka badisay kooxda Barcelona sanadkii 2006-dii.

Markasta waxaa lagu reebaa heerka 16-aad ee is reebreebka muddo 7 jeer ah oo is xigay, iyaga oo sanadkii lasoo dhaafay ee 2017-kii 10-2 gool waji gabax kala hoyday garoonka, waxaana rigooro kaga badisay kooxda Mayern Munich.

Sanadkii 2006-kii ayay kooxda Arsenal u guurtay garoonka Emirates oo lagu dhisay £390m oo lacagta Ingiriiska ah.

Bishii Janaayo waxa uu qaatay Pierre-Emerick Aubameyang , kulana soo wareegay lacag dhan £56m.