Somali News

Macawuusley iyo Al-Shabaab ku dagaalamay degmada Cadalle

Cadalle-KNN-Dagaalamayaasha Al-Shabaab iyo Maleeshiyaadka loogu yeero Macawuuslay ayaa saacadihii la soo dhaafay ku dagaalamay degaanka Masaajid Cali Gaduud oo katirsan degmada Cadalle ee Gobalka Shabeelaha dhexe.

Dadka degaanka ayaa soo sheegaya in dagaalka oo muddo socday sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay.

Sarkaal u hadlay Maleeshiyada dagaalka la gashay Al-Shabaab ayaa warbaahinta u sheegay in 5 dagaalame oo Al-shabaab ah ay ku dileen dagaalkaasi, sidoo kale waxa uu sheegay in weerarka ay iyagu ay qaadeen sida uu hadalka u dhigay.

Al-shabaab iyo Maleeshiyada dagaalamay ayaa dhowr jeer oo hore ku dagaalamay degaano katirsan Shabeelaha Dhexe. Al-shabaab iyo ragaan dagaalamaya ayaa isku haaya lacago ay Al-shabaab ka doonayaan dadka degaanka waxaana isa soo taraya dadka diidan bixinta lacagtaasi oo ku biiraya dadkaan maleeshiyada ah ee Sh/dhexe.