Muqdisho-KNN-Machadka tababarada culuumta iyo daraasaadka ee Sosmi oo maanta munaasabad ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxay ku soo bandhigeen Shahaadada takhasusiga ee xirfadda culuumta Sceinska.
Shahaadadaan ayaa lagu sheegay ardaygii qaataa inuu wax ka baran karo caalamka oo dhan meeshii uu doono, maadaama uu machadku heysto aqoonsiyo dhowr ah.
Cabdiladhiif Xuseen Siyaad oo ah Agaasimaha machadka tababarada culuumta iyo daraasaadka ee Sosmi oo sharaxaya waxyaabaha ay ardayda baraan, ayaa ugu baaqay ardayda Soomaaliyeed inay ka faaiideystaan fursadaha machadka Sosmi.
Ismaaciil Yuusuf Xasan oo ah agaadimaha tacliinta sare ee wasaaradda waxbarashada Soomaaliya oo munaasabadda ka hadlay ayaa machadka Sosmi ka dalbaday inay xifdiyaan Shahaadada ay bixiyaan maadaama ay dhici karto sida uu sheegay in lagu sameysto suuq madow.
Sidiiq Xirsi Warfaa wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada ee xukuumadda Soomaaliya ayaa ku bogaadiyay madaxda machadka Sosmi howlaha ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed.


