Somali News

Macron oo amarro cusub ku soo rogay Muslimiinta Faransiiska

Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa ugu baaqay hogaamiyayaasha Muslimka ee waddankiisa inay aqbalaan “axdiga qiyamka jamhuuriyadda”.

Arbacadii ayuu Golaha Muslimiinta Faransiiska (CFCM) u qabtay 15 maalmood inay ku aqbalaan axdigaas.

Golaha CFCM ayaa oggolaaday inuu sameeyo guddi qaran oo ay leeyihiin imaamyada Faransiiska, kaas oo sida la sheegay aqoonsi siin doona imaamyada, isla markaana kala laaban kara.

Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa xilli bishii hore ay Faransiiska ka dhaceen saddex weerar oo la tuhunsan yahay inay fuliyiin kooxo Islaamiyiin ah.

Axdiga ayaa lagu qeexi doonaa in Islaamku yahay diin ee uusan ahayn dhaq-dhaqaaq siyaasadeed, halka ay mamnuuc tahay in “farogelin shisheeye” lagu sameeyo ururada Muslimiinta ee Faransiiska.

Macron ayaa si weyn u difaacay nidaamka calmaaniyadda ee uu Faransiiska ku dhisan yahay, isago taageero buuxda u muujiyay macallin qoorta looga jaray sawir uu ku tilmaamay Nebi Maxamed NNKH oo u soo bandhigay ardaydiisa.