Somali News

Madaafiic xalay lagu gaaracay Muqdisho oo khasaaro geysatay

Warar dheeraad ah  ayaa ka soo baxaya tiro madaafiic ah oo xalay laga maqlay qaar ka mid ah degmooyin Gobolka Banaadir.

Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in  madaafiicda la tuuray inay gaarayaan ku dhawaad toddoba xabbo, kuwaas oo ku dhacay guryo ay deggan yihiin dad shacab ah oo ku yaalla degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dad gaaraya ilaa iyo 7 qof ay ku dhaawacmeen madaafiicda.

Ilaa iyo hadda  ma jirto cid sheegatay masuuliyadda madaafiicda xalay ku dhacay degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Madaafiicda  xalay lagu garaacay degmada Wadajir ayaa ku soo aadaysa, iyadoo magaalada Muqdisho lagu soo rogay bandow soo bilaabmay saacaddu markay ahayd 10:00-kii habeenimo ee xalay , kaas oo lagu adkaynayo ammaanka Caasimada.

Maanta oo khamiis ah ayaa la filayaa inay  qabsoonto xafladda caleemo-saarka madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo ay ka qayb gelayaan madax sar-sare oo ka imanaysa dalal kala duwan.