Uncategorized

Madaafiic Xalay lagu garaacay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo

Baydhabo–KNN–Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG Koofur Galbeed ahna Xarunta Gobolka Baay ayaa sheegaya in Xalay Tiro Madaafiic ah lagu garaacay garoonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo.

Goobjoogeyaal  ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa KNN u sheegay in Garoonka ay ku soo dhaceen illaa Afar Madfac oo ah Qoriga Hoobiyaha,balse ma jirto wax Khasaare ah oo ay geysteen Madaafiicda ku soo dhacday Garoonka Diyaaradaha Baydhabo.

Ciidamada maamulka Koofur  Galbeed ayaa Saakay Baaritaano Xoog leh ka wada Xaafadaha u dhow dhow Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo,waxaana Dhowr jeer ay Al-shabaab Madaafiic ku garaaceen Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo.