Ceelasha-Biyaha-KNN-Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xalay tiro madaafiic ah lagu garaacay saldhig Ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin duleedka deegaanka Ceelasha biyaha ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Dadka deegaanka oo la hadlay Idaacada Kulmiye ayaa sheegay in ay maqlayeen dhawaqa madaafiicda ku dhacaya saldhig Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi ay ku leeyihiin deegaanka Arbacow.
Inkastoo ay sheegeen dadka deegaanka in aysan xaqiijin Karin khasaaraha dhabta ee ka dhashay Madaafiicdaasi xalay ku dhacay Saldhig Ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin deegaanka Arbacow ee duleedka Ceelasha Biyaha ayaa hadddane waxay tilmaameen in ay jiraan madaafiic jawaab ah oo Ciidamada AMISOM ay ayagana ay rideen.
Madaafiicdaan xalay ku dhacay Saldhiga Ciidamada AMISOM ayaa waxaa loo maleynayaa in ay soo tureen dagaalamayaasha Al-shabaab kuwaas oo dhowr jeer oo hore sidaan oo kale madaafiic ku tuuray Saldhigyo ay joogeen Ciidamada AMISOM ee gobolka Shabeelaha Hoose.